Ciidamada Itoobiya oo billaabey dhaq-dhaqaaq ay uga baxayaan Diinsoor

0

DIINSOOR [SMN] – Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in saakay Ciidamada Itoobiya ka baxeen qaar kamid ah saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen, waxaana dadka degaanka ay muujinayaan cabsi xoog leh oo ay ka qabaan in AS ay dib ula wareegto gacan-ku-heynta magaaladda.

 

Lama oga sababat ay ciidanka Itoobiya uga baxayaan degmada Diinsoor, oo kamid ah magaalooyinka go’doonsan ee katirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo mudo ka badan 10 sano aan dhanka dhulka la isku gudbin karin.

Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaan ka hadlin ka bixista  degmada Diinsoor, oo 266KM u jirta magaaladda Muqdisho, taasoo tan iyo 2015 ay amnigeeda gacanta ku hayeen Ciidamada Itoobiya. Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xili uu bishan billowday howlgalka cusub ee AUSSOM, oo bedelay ATMIS, kaasoo Itoobiya aan qeyb ka ahayn.
Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa aan lahayn awood badan oo ku buuxin karaan goobaha ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya ee gobollada Baay iyo Bakool, oo la rumeysan yahay inay kamid yihiin meelaha ugu khatarta badan dalka Soomaaliya, marka loo eego joogitaanka AS.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku diyaarinaysa inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto Ciidamada shisheeye mudada sanadka ah ee uu socda howlgalka AUSSOM, ayaan dhankeeda wali war kasoo saarin Ciidamada Itoobiya ee baneynaya meelihii ay dalka ka joogeen, taasoo culeys horleh ay ku tahay amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here