QANSAXDHEERE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada Itoobiya saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu soo qab qabtay dad shacab ah.
Howlgallada ayaa ka dambeeyay, kadib markii qarax miino degmada Qansaxdheere lagula eegtay ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gudaha degmadaasi.
Dadka lasoo xiray ayaa shacab beeraley ah oo illaa iyo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya, waxaana xaaladdooda walwal ka muujinayo ehelladooda.
Inta badan deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ku jiro xaalad go’doon ah, waxaana weeraro culus ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xooggan gobollada Baay iyo Bakool.