DIINSOOR (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ciidamada Itoobiya ku duqeeyeen deegaano hoostaga degmadaas oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in maqlayeen dhawaqa hoobiyeyaasha oo qiyaas ahaan gaarayay illaa lix, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa ay weeraro iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ay ka dhacayeen agagaarka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.