Janaay Cabdalla – Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa si guul leh uga fuliyay howlgal ballaarin iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay waddada muhiimka ah ee isku xirta Janaay Cabdalle iyo Degmada Af-mafoow.
Waddadan muhiimka ah ayaa door weyn ka ciyaarta isku socodka bulshada iyo gaadiidka deegaanka, waxaana si joogto ah u isticmaala dadka shacabka ah ee ku nool gobolladaasi.
Ballaarinta iyo hagaajinta lagu sameeyay jidkan ayaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka beddeli doonta nolosha dadka deegaanka, iyadoo la filayo in ay yareyso caqabadaha la xiriira isu socodka iyo gaadiid la’aanta.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada ammaanka Jubbaland iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, kana hortagayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda argagixisada ah ee mararka qaar dhibaatooyin ku haya shacabka.
Dib-u-habeynta waddadan ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in ay yareyn doonto fursadaha kooxahaas u helaan in ay ku dhuumaaleystaan deegaannada fogfog.
Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale ciidamada ka fuliyeen hawlgallo gaar ah deegaannada Orgiyoow, Qumbi, iyo tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Dhasheeg Waammo. Hawlgalladaas ayaa lagu burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxaha argagixisada ka dhigan jireen xarumo ay uga duulaan tagi jireen shacabka iyo ciidamada.
Mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha milateriga ayaa ku ammaanay ciidamada guusha ay gaareen, iyagoo xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshaha guud ee lagu sugayo amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollada dalka.




