Ciidamada Jubbaland oo Howlgallo Amni Ka Fuliyey Duleedyada Kismaayo

0

Kismaayo, Soomaaliya – Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland iyo kuwa Daraawiishta ee isla maamulkaas ayaa xalay ilaa waaberigii saaka ka fuliyey howlgallo amni oo ballaaran duleedka magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Howlgallada oo ahaa kuwa si wadajir ah u fulinayeen labada ciidan ayaa lagu bartilmaameedsanayey xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo sida ay sheegeen saraakiisha amniga, lala xiriirinayo weerarro hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday magaalada.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay baadi-goobayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka ahaayeen hoobiyeyaal lagu garaacay magaalada Kismaayo, gaar ahaan meel u dhow saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin duleedka magaalada.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo. Waxaana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan laanta nabadsugidda Jubbaland.

Maalintii Khamiista xili fiid ah ayay kooxda Al-Shabaab ku weerareen tiro hoobiyeyaal ah saldhig ay ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya Danab ku leeyihiin duleedka Kismaayo, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo sugo amniga guud ee gobolka, loogana hortago weerarro kale oo dhaca mustaqbalka dhow.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maamulka Jubbaland uu la wadaago warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijada howlgalka iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo amniga Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here