Ciidamada Koonfur Galbeed oo fuliyay Howlgal Ka Dhan ah Al-Shabaab

0

BAYDHABO, Soomaaliya – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay heleen xog sheegaysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaannada Yaaqbariwayne, Leego iyo Carmoole.

 

Ciidamada ayaa si degdeg ah uga falceliyay xogtaasi, waxaana ay fuliyeen weerar qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd aaggaas.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu dilay tiro ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay goobo muhiim u ahaa hawlgalkooda. Ciidamada ayaa la wareegay deegaannadii laga saaray kooxdaasi, iyaga oo sidoo kale halkaas ka bilaabay baaritaanno amni oo lagu xaqiijinayo in aysan jirin wax hanjabaad ah oo dib uga soo laaban karta.

Dhinaca kale, wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa weli ku jirta gacanta kooxda Al-Shabaab, taasoo caqabad weyn ku noqotay isu socodka shacabka iyo saraakiisha dowladda.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaan awoodin in ay si nabad ah dhulka ugu safraan inta u dhaxeysa labada magaalo, iyaga oo adeegsanaya diyaarado marka ay u kala gooshayaan Muqdisho iyo Baydhabo.

Sababta ugu weyn ayaa ah weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada lala beegsado kolonyada ciidamada iyo gaadiidka rayidka ah ee isticmaala wadadaasi.

Ciidamada Daraawiishta ayaa weli ku sugan goobihii lagu dagaallamay, iyaga oo halkaas ka wada dhaq-dhaqaaqyo amni oo joogto ah, si loo adkeeyo gacanta dowladda iyo in laga hortago in Al-Shabaab ay dib ugu soo noqoto deegaannada laga saaray.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo sheegaan cid kasta oo xiriir la leh kooxaha argagixisada ah si loo xaqiijiyo nabadda guud ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here