BAYDHABO (SMN) – Taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.
Ninkan oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, oo ku magac dheer (Nuur) ayaa doonayay inuu kasoo dhoofo garoonka Shaati Gaduud, waxaana qabtay ciidanka amniga.
Waxa uu tilmaamay in markii hore uu ahaa Macallin dhiga Qur’aanka, balse markii dambe nin ay qaraabo yihiin uu ku daray Al-Shabaab, sida uu ku sheegay wareysi laga qaaday.
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka yimid dhanka degmada Jilib uu tababar kusoo qaatay, isla-markaana uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qabashada ninkan ayaa kusoo aadaysa, xilli dowladda federaalka ay haatan xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.