Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

BAYDHABO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay.

 

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Ufurow ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Koonfur Galbeed oo war kooban kasoo saartay howlgalka ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaa bartilmaameed.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaas oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here