Ciidamada Koonfur Galbeed oo maanta weerar ku qaaday maleeshiyaad hubeysan

0

WANLAWEY (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Koonfur Galbeed ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Yaaqbiriweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhigteen isbaarooyin.

 

Weerarka ay qaadeen Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay in halkaasi ay ka qaadaan isbaarooyinka oo ay tilmaameen in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaaa haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kascsan.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga dareemayay xaalad kacsanaan ah, ayadoo sidaan oo kale dhowaan loogu dagaalamay degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here