Raaga Ceelle, Shabeellaha Dhexe – Ciidamada Macawiisley ee ku sugan deegaanka Raaga Ceelle ayaa fuliyay hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay sidii xarun lagu daweeyo dagaalyahanadooda dhaawacmay isla markaana lagu qorsheeyo weeraro ka dhan ah shacabka deegaanka.
Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Moora Godan oo ku yaalla 5 kiiloomitir waqooyi kaga beegan tuulada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada Macawiisley ayaa khasaaro badan gaarsiiyay Al-Shabaab, iyaga oo burburiyay goobtaas oo ay ku howlgali jireen, isla markaana curyaamiyay awooddooda dagaal, taasi oo hoos u dhigtay awooddooda ku weerarida bulshada.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si dhow u taageeray howlgalka, iyaga oo gacan ka geystay guusha hawlgalkan.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada ciidamada Macawiisley iyo doorka muhiimka ah ee ay shacabka deegaanka ka qaateen difaaca dalkooda.
“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa bulshada deegaanka ayaa sii wadi doona howlgalada ka dhanka ah Khawarijta si loo sugo amniga, nabadda, iyo badbaadada dhammaan shacabka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee deegaanka oo si wadajir ah uga hortagaya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe iyo koonfurta dalka.




