Ciidamada Mareykanka oo Agab Ciidan ku Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Shabeellaha Dhexe – Ciidamada Mareykanka ayaa maanta agab ciidan iyo hub kala duwan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo qeyb ka ah taageerada joogtada ah ee ay Mareykanku la garab taagan yihiin Soomaaliya.

 

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay inTaageeradan muujinaysa iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee khatarta ku ah amniga, xasilloonida gobolka, iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in taageeradan ay kor u qaadi doonto awoodda ciidanka, isla markaana ay gacan ka geysan doonto dardargelinta hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Waxay sidoo kale adkeeyeen in kooxaha argagixisadu aysan haysan meel ay kaga dhuuman karaan awoodda Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, iyagoo xusay in hawlgallada milatari ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah.

No photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here