Ciidamada Masar oo ku soo wajahan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AUSSOM

0

Muqdisho – Warka ka soo baxay howlgalka AUSSOM ayaa xaqiijiyay in guutadii ugu horreysay ee Ciidanka Masar ay ku soo wajahan yihiin Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgalka socda ee AUSSOM (African Union Support Mission in Somalia).

 

Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay gacan ka geystaan taageerada Ciidanka Soomaaliya ee la wareegaya amniga guud ahaan dalka, iyada oo la raacayo hannaanka kala-guurka ee lagu taageerayo dowladnimada Soomaaliya.

5-tii Sebtembar, 2025, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddigii Qiimaynta ee ka socday Masar, oo uu hoggaaminayay Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan.

Guddigan ayaa dhameystiray safar lix maalmood socday oo ay ku kormeereen xaaladda Soomaaliya, si loogu diyaargaroobo ka mid noqoshada Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Danjire Diene ayaa uga mahadceliyay kooxda qiimeynta sida ay uga go’antahay taageerada ay u muujinayaan Soomaaliya, isagoo tilmaamay in AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay in la fududeeyo dejinta iyo howlgelinta guutada cusub ee Masar, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasiloonida, nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujineysa iskaashiga sii kordhaya ee dalalka Afrika ay la leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan xilligan muhiimka ah ee lagu jiro kala-guurka iyo dib-u-dhiska amniga qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in ciidamadan Masar ay qeyb muhiim ah ka qaataan sugidda amniga iyo hawlgallada la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, iyadoo la kaashanayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here