Ciidamada Masar oo La Filayo Inay Ku Biiraan Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

0

QAAHIRA – Mas’uuliyiinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in la filayo in ciidamo ka socda dalka Masar ay goordhow ku biiraan hawlgalka, inkastoo ay weli socdaan habraacyo farsamo iyo kuwo sharci ah oo la xiriira arrintaas.

 

Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa inay door ka qaataan dadaallada lagu sugayo amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa tilmaamay in marka la dhammeeyo diyaargarowga, ciidamadaasi ay si rasmi ah u bilaabi doonaan hawlahooda.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka AUSSOM ayaa ka digay in hawlgalka uu wajihi karo caqabado haddii aan la helin maalgelin joogto ah oo la isku halayn karo. Waxaa la sheegay in shirar hore oo lagu qorsheeyay in looga hadlo maalgelinta hawlgalka ay dib u dhaceen, taasoo abuurtay walaac la xiriira mustaqbalka taageerada dhaqaale.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo lala yeelanayo saaxiibada caalamiga ah si loo helo taageero dhaqaale oo waarta, looguna daboolo baahiyaha hawlgalka iyo tababarka ciidamada Soomaaliyeed.

Ciidamada Masar ayaa la dejin doonaa gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo tagaya saldhigyada ay ka baxayaan Ciidanka Burundi, oo mudo ku dhaw 20 sano dalka joogay, iyagoo kasoo qeybqaatay dagaallo Al-Shabaab looga saarey dhul ballaaran, oo Caasimadda ku jirto.

Hawlgalka AUSSOM  oo bedelay sanad hore ATMIS, ayaa ujeedkiisu yahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo amniga, loo wiiqo awoodda Al-Shabaab, loona horumariyo xasiloonida iyo dib u dhiska hay’adaha ammaanka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here