Koonfur Afrika,Johannesburg – Ciidamada milatariga ayaa Arbacadii lagu arkay waddooyinka magaalada Johannesburg, oo ah magaalada ugu weyn Koonfur Afrika, kadib markii dowladda ay go’aansatay inay adeegsato ciidanka si ay uga caawiyaan booliska la dagaallanka dambiyada abaabulan, rabshadaha kooxaha burcadda ah iyo macdanta sharci-darrada ah.
Ciidamada ayaa si gaar ah loogu arkay xaafadda Riverlea, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen iska horimaadyo u dhexeeya kooxo burcad ah iyo kooxaha ku lugta leh qodista macdanta sharci-darrada ah. Tani waa markii ugu horreysay ee ciidamo si muuqata loo geeyo magaalada tan iyo markii madaxweynaha Cyril Ramaphosa uu ku dhawaaqay qorshahan khudbaddiisa sanadlaha ah ee qaranka.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay in dambiyada abaabulan ay noqdeen halista ugu weyn ee ku wajahan dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Sidaas darteed, dowladda ayaa go’aansatay inay xoojiso awoodda amniga si loo xakameeyo rabshadaha sii kordhaya.
Si kastaba ha ahaatee, booliska dalka iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Koonfur Afrika(waaxda milatariga) weli si rasmi ah uma faahfaahin tirada ciidamada la geeyay ama muddada ay howlgalkaasi socon doono.
Koonfur Afrika ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay heer dil oo aad u sarreeya, iyadoo qiyaastii 60 qof maalintii lagu dilo dalka oo dhan. Dilalkaas waxaa ka mid ah dagaallada u dhexeeya kooxaha daroogada ka ganacsada ee ka dhaca Cape Town, iyo sidoo kale toogashooyin wadareed oo la xiriira macdanta sharci-darrada ah ee gobolka Gauteng.
Dowladda ayaa rajaynaysa in howlgalka cusub ee milatariga iyo booliska ay si wadajir ah u fulinayaan uu gacan ka geysan doono yareynta rabshadaha, burburinta shabakadaha dambiyada abaabulan, iyo dib u soo celinta ammaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka.




