LUUQ (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday guryo ku yaalla degmada oo looga shakiyay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in weli ay socoto baarista, isla markaana ay dib ka faah-faahin doonaan howlgallada ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.