Ciidamada NISA oo Guriceel ku qabtay nin dil ka gaystay degmadaasi + Sawirro

0

GURICEEL (SMN) – Ciidanka NISA ee ka howlgala Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in habeeno ka hor uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

 

Taliyaha qaybta guud ee Nabad sugidda Galmudug Feysal Ibraahim Caanood ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dabagal dheer kadib ay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha, isla markaana baaritaan kadib loo gudbi doono cadaaladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here