Ciidamada Puntland oo gacanta kusoo dhigay ku dhowaad 30 ajaaniib ah

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa badda ee ayaa gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 30 qof oo ajaaniib ah, kuwaa soo isugu jiro Itoobiyaan iyo Eritariyaan.

Ajaaniibtan ayaa lagu qabtay howlgal culus oo ka dhacay degmada Qandala, xilli ay saarnaayeen doon kusii jeeday dhinaca dalka Yemen.
Wararka ayaa intaasi kusii darayA in naaquudihii waday doonta uu ka baxsaday goobta, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha ay Puntland uga hortegeyso kooxaha sida sharci darrada ah wax uga tahriibiya xeebaha maamulkaasi.
Si kastaba, todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidamada Puntland gacanta ugu dhigeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiya kusii jeeday Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here