BOOSAASO [SMN] – Howlgalka Ciidanka Puntland ee ka dhanka ah Daacish waa mid sii socda oo waliba sii xoogaysanaya iyada oo la birtilmaameedsanayo farisimohooda waaweyn.
Hadda waxaa la sheegaya in dagaalyahanada Daacisho ay sameenayaa dib u gurasho iyo in ay ka baxsadaan Aaga dagaalka sida ay sheegayaan saraakiisha Puntland.
Waxaa la tilmaamay in xubnaha ka firxaday buuraha Cali Miskaad ay u jiheestan dhinacyada Somaliland iyo Koofurta qaarkoodna lagu qabqabtay baadiyaha Puntland iyo kontroolada laysaga kala gudbo deeganada maamulkaasi.
Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa waxa uu ka digayaa xubnaha katirsan Daacish ee ka sii firxanaya goobaha dagaalka khatarta ay ku yeelan karaan deegaanada kale ee Soomaalida.
Tan iyo markii uu bilowday Howlgalka Buuraha Cali Miskaad ee gobolka Bari waxaa weeear iyo weerar celisba is weedaarsaday labada dhinac iyada oo la aaminsanyahay in howlgalkaasi ay ku dhinteen xubno badan oo labada dhinac ah.