Bari, Puntland – Cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa Jimcaha maanta ah ku guuleystay in ay gudaha u galaan deegaannada Yucrin iyo Maraagade, kadib howlgal qorshaysan oo ka dhacay buuraleyda Togga Baallade, oo katirsan Calmiskaad.
Intii uu socday howlgalkan, ciidamada ayaa la sheegay in ay dileen laba xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, isla markaana ay burburiyeen saldhigyo ay kooxdaasi ka dhisteen dhulka buuraleyda ah.
Taliska ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu ka qeyb yahay wejiga koowaad ee qorshe lagu xaqiijinayo amniga gobolka Bari, iyadoo la beegsanayo meelaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha xagjirka ah.
Sidoo kale, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen dhul ay horay ugu sugnaayeen kooxaha hubeysan, sida Buur Gunburi iyo God-gudban, halkaas oo laga helay agab milatari iyo xoolo ay Daacish uga tageen si degdeg ah.
Taliyeyaasha hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegay in ciidanku ay la wareegeen gacan ku haynta marinno istiraatiiji ah, kuwaas oo muhiim u ahaa isu socodka kooxaha firxadka ah.
Diyaarado dagaal oo Puntland leedahay ayaa dhanka cirka ka taageerayay howlgalkan, iyaga oo baaritaanno iyo duqeymo ka fulinayay goobo la tuhunsanaa.
Xogaha laga helayo aagga ayaa tilmaamaya in kooxda Daacish ay hadda ku go’doonsan yihiin dhul kooban, waxaana socda qorshe lagu doonayo in lagu soo afjaro jiritaankooda gudaha buuraleyda gobolka.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ciidamada ku booriyay in aysan joojin dadaalka ilaa laga gaarayo nadiifinta guud ee gobolka, si loogu gudbo wajiga labaad ee howlgalka oo lagu beegsan doono deegaannada buuraleyda Calmiskaad.



