BOOSAASO – Ciidamada Maamulka Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyay dagaal adag kula jira kooxda Daacish, iyaga oo guulo waaweyn ka gaaray dagaalkaas ka socda Calmiskaad.
Inta uu dagaalku socday, ciidamada ayaa si weyn u dilay tiro badan oo dagaalyahanada Daacish ka tirsan, isla markaana qabsaday deegaano muhiim ah oo hore kooxdu gacanta ku haysay.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada ammaanka Puntland ayaa wadeen hool-gallo qorsheysan oo lagu baabi’inayo goobaha yar-yar ee ay Daacish kaga sugan tahay deegaanada buuraha Cali Miskaad, oo ahayd xuduntii ugu weynayd ee kooxda Daacish gudaha Soomaaliya.
Sida ay ciidamada ammaanka Puntland ku warbixiyeen, hool-galladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ayaa ku soo dhamaaday guul, iyadoo guutooyinka ciidamada difaaca Puntland ay si wadajir ah uga fulinayeen hawlgallo muhiim ah meelaha Ceelasha Ilaalo yar iyo Ilaalo weyn, halkaas oo ay ku dileen dagaalyahano badan oo Daacish ah.
Ciidamada ayaa jiho walba ka weeraray firxadka Daacish, iyaga oo si buuxda gacanta ugu dhigay Ceelashaas muhiimka ah, kuwaas oo kooxda Daacish ku dhuumaalaysanaysay deegaanada yar yar ee buuraha Cali Miskaad.
Intaas waxaa sii dheer, ciidamada maamulka Puntland ayaa sidoo kale muddooyinkii ugu dambeeyay guulo waaweyn ka gaarey hool-gallo kale oo ay ka fuliyeen goobo muhiim ah oo kooxda Daacish ay gacanta ku haysay, taasoo muujineysa in ciidanku ay si hagar la’aan ah u wadaan dagaalka lagula jiro kooxdan.
Warbixinnada ayaa tilmaamaya in howlgalada noocan oo kale ah ay qayb weyn ka yihiin dadaallada Puntland ee lagu sugayo ammaanka iyo xasilloonida gobolka, iyadoo looga gol leeyahay in si joogto ah looga hortago kooxaha argagixisada ah.



