Ciidamada Puntland oo Maxaabiis Ajaanib ah ka Qabtay Hawlgallo ka dhan ah Daacish

0

Ciidamada Amniga iyo Kuwa Difaaca Puntland ayaa hawlgallo qorsheysan oo muddo socday ka fuliyey buuraleyda Calmiskaad ee Puntland, kuwaas oo lagu guuleystay in lagu soo qabto maxaabiis ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish (ISIS).

 

Maxaabiista la qabtay ayaa la xaqiijiyay inay u kala dhasheen dalal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Turkiga, Sucuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzania, kuwaas oo ka mid ahaa xubnihii ku dhuumaaleysanayey deegaannada buuraleyda ah ee Calmiskaad.

Hawlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Puntland, islamarkaana ay taageero ka helayeen saaxiibada caalamiga ah ee  Maraykanka, ayaa lagu guuleystay in gabi ahaanba laga sifeeyo kooxda Daacish goobihii ay ku lahaayeen fariisimada iyo saldhigyada gobolkaasi.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in hawlgalku haatan marayo marxalad gebogebo ah, isla markaana la burburiyey dhammaan saldhigyadii ay kooxdu ku lahayd aagga Calmiskaad, taas oo si weyn kor ugu qaadday amniga guud ee Puntland iyo deegaannada ku dhow.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Puntland, Abdu Mudalib, ayaa sheegay in guusha laga gaaray hawlgalkan ay caddeyn u tahay dadaalka joogtada ah ee Ciidamada Puntland ugu jiraan la dagaallanka argagixisada, isaga oo xusay in tani ay fariin adag u dirayso dhammaan kooxaha khatarta ku ah amniga Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Sarkaalka ayaa sidoo kale adkeeyey in Puntland ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada nooc kasta ha ahaatee, islamarkaana ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka Bari iyo ciribtirka kooxda Daacish.

May be an image of text that says "AESADA జనుడూైరై CRA HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND QAAR KA MID AH AJAANIBTA DAACISH EE LAGU QABTAY HAWLGALKA CALMISKAAD HASSAN RAFADATAR U NAASUR MMA ABDALLE JUMA JAADIFAKI OSMAN BAQUGABNRUAD SINAAN ABDULAHI ABDIRAHIM BAROSA ALABDALLA KHALID MOWUD LABLAMHASAN SUBAYR ADASE MUDAHAR HAMUDO HENNOK SUFIYAAN LOASW HASAN HUSEN MOHAMED IBRAHIM ALIKARALEA RIDWAN BAREKHBIN YUNISA KA JAMIL ABDUKADIR C-OSMAANIN MOHAИo SAYF BAROW CALLE HOSEIN MOHAMED BASIN MUNIR ABDIHAMID MCHAMEDAH AHMED NAJMETHAPIOLU ABRAHAM ИE6AAA ABDIHAKIM AH JAMAL ARDIA85.30ML JAALA AROIAIED NORADIN MOHAMEBb-ABOOЙ IBRAHIM KHALID GASHONSARAO RAIOW HOH ABDIRISAK ABDINASIR ALII BAMAMGARGE AHMED ABDIRISAK AHMED ADAM TOWFIQ YEMAN ETHIOPIA fOx HAWLGALKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here