Ciidamada Xooga iyo Macawisleyda Oo Howlgalo Ka Wada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

0

BELEDWEYNE – Wararka naga soo gaaraya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Macawisleyda ay ka wadaan howlgalo qorsheysan oo lagu baadi-goobayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanadaasi.

 

Howlgalladan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya inta u dhexeysa Ceel Hareeri oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Aadan Yabaal oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, iyadoo meelaha muhiimka ah ee lagu sameynayo baaritaannada ay ka mid yihiin dhulka loo yaqaan Mabaax.

Ciidamada dowladda oo dhawaan dib ula wareegay degmada Aadan Yabaal ayaa ku howlan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo sidii dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda ee deegaanadaasi.

Sidoo kale, gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgalo ballaaran oo lagu doonayo in looga xoreeyo Al-Shabaab, iyadoo dhowr degaan oo ay ka mid yihiin Sabiid iyo Caanoole ay dhawaan dowladda ka saartay gacanta kooxdaas.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee lagu sugayo ammaanka iyo xasiloonida gobollada dalka, iyada oo ciidamada ammaanku ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan ciribtirka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here