Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Jubbada Hoose + Khasaaraha

0

KISMAAYO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Danab ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa weerar culus ku qaaday tuulo lagu magacaabo Xaliimo Cadey oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna waxay cagta mariyeen fariisimihii ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa dilshay xubno dhowr ah, sidoo kale waxa ay kasoo furteen hub iyo saanad ciidan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Kumandooska Danab XDS Gaar Ahaan SMU ayaa Waxay Burburiyeen Goobo ay Gabaad ka dhiganayeen khawaarijta oo ku yaalay Tuulo lagu magacabo Xaliimo cadey oo hoostagta Degaanka buulo xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka ayaa intiiĀ  hawlgalku Socday waxay khawaarijta ka dileen maleeshiyad ka tirsan khawaarijta iyagoona soo bandhigay hubkii ay ka furteen khawaarijta”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here