Ciidamada DF oo howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ka sameeyay Galgaduud

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawaa ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay xubin ka tirsan Argagixisada kaas oo lagu qabtay koontaroolka Mesagawey, Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qoray AK-47 ah.

 

Sidoo kale ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey, saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar Al-Shabaan u socday ayna gacanta ku dhigeen.

Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalka, inta ay Al-Shabaab ka xoreynayaan aaagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here