Janaale, Soomaaliya – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururrada 144-aad iyo 145-aad ee guutada 14-ka October, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiishu sheegeen.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 14-ka October, Gaashaanle Dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Maleeshiyaadkaasi ayaa lagu eedeeyay inay dhibaatooyin joogto ah ku hayeen beeraleyda ku nool agagaarka wabiga Shabeelle.
Tuulooyinka sida gaar ah howlgalladu uga dhaceen waxaa ka mid ah Malable, Beeraha Baay, Siigaale Bari iyo Doonka Daafeedow – kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada deegaanka Janaale.
“Ciidanku waxay beegsadeen doomaha ay Al-Shabaab uga kala gooshi jireen labada dhinac ee wabiga Shabeelle,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Munye oo la hadlay warbaahinta gudaha. Wuxuu intaa ku daray in ciidamada ay burburiyeen doomihii ay kooxdaasi u adeegsan jirtay isu socodka iyo gaadiidka hubka.
Taliyaha ayaa xusay in howlgalladaasi qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, isagoo ballan qaaday in la sii wadi doono weerarrada noocan oo kale ah si loo xaqiijiyo ammaanka deegaanka iyo nolosha dadka shacabka ah.
Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkan. Radio Shabelle kama ay helin ilo madax-bannaan oo si degdeg ah u xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay weerarka.




