Ciidamada dowladda oo wada qorshe la’isugu furayo waddada Balcad iyo Jowhar

0

BALCAD (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa qaadista howlgal milatari oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Howlgalkan ayaa ku wajahan sidii la’isugu furi lahaa degmada Balcad, illaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Waddadan ayaa waxaa muddo ka badan sanado ah ku sugan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo hakad-geliya isku socodka labadaasi magaalo.

Taliye ku xigeenkadhulka Janaraal Cabdullaahi Aadan Cirro oo ku sugan Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay isku furi doonaan Jowhar iyo Balcad oo muddo dheer kala go’doonsan.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu tagay deegaano dhowr ah oo uu ku fatahay wabagi Shabelle isaga oo sheegay in dadka ku nool halkaasi ay wajahayaan xaalad adag.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa intiiss badan waa laga saaray Al-Shabaab marka laga tego meelaha qaar oo ay ku adag yihiin, maadaama ay ka talinayaan muddo dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here