Ciidamada Xoogga Dalka oo ka Hortagay Al-Shabaab Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Afgooye – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka, ayaa si guul leh uga hortagay Al-Shabaab oo isku dayay in ay ku dhuumaaleeyaan dhulka keymaha ah ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgallada ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanada Gendershe iyo Dhanaane, halkaas oo ciidamada qaranku ay cagta mariyeen godadkii Al-Shabaab. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay ka carqaladeeyaan qorshayaashii maleeshiyaadka, iyaga oo fuliyay weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday saldhigyada Al-Shabaab.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere, ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ay la waregeen barihii ugu muhiimsanaa ee Al-Shabaab gobolka, isla markaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa maleeshiyaadka.

Howlgalladan ayaa muujinaya feejignaanta iyo go’aan qaadashada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabadsugida Qaranka, kuwaas oo ka go’an in la sugo ammaanka iyo xasilloonida shacabka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here