DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka hortageen abuul ay Al-Shabaab ka wadeen aagga deegaanka Masagawaa, si ay usoo weeraraan ciidamada ku sugan halkaasi.
Ciidamada oo ku jiray howlgal roondo ah ayaa la kulmay xubnaha Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa weerarka, waxaana kadib dhex maray dagaal kooban oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Masagawaa iyo Cowswayne ee gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan miatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay kala eryeen xubhinii ku sugnaa goobta ay weerareen, isla markaana ay sidaas ku fashilyeen qorshahooda weerarka.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen inuu jiro khasaare ay gaarsiyeen Al-Shabaab, balse ma shaacin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.
Deegaanada Cowswayne iyo Masagawaa oo horay loo xoreeyay ayaa waxaa badanaa weeraro gaadmo ah kusoo qaada xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan aaggaasi.