Shabeellaha Dhexe – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib howlgallo milatari oo culus oo halkaasi ka socday saacadihii lasoo dhaafay.
Howlgalkan, oo ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta oo muddo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee ku xeeran deegaanka Jabad-Godane. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamadu ay marka hore jareen marinadii ay kooxda u mari jirtay sahayda iyo gurmadka, taas oo sahashay in si toos ah loo weeraro fariisimihii ay ku sugnaayeen.
Wararka laga helayo furimaha dagaalka ayaa tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la dilay tiro maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal door ka lahaa abaabulka falalka amni-darrada ah ee gobolka. Dhulka howdka ah ee ku hareeraysan Jabad-Godane ayaa lagu arkayaa meydadka maleeshiyaadkii lagu dilay howlgalka, halka qaar kalena ay firxad ku galeen kaymaha ku dhow deegaanka.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli wada howlgallo sifeyn ah oo lagu baacsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab, si looga hortago dib isu abaabul iyo fulinta weerarro dhuumaaleysi ah. Saraakiisha ayaa xusay in ujeeddadu tahay in deegaanka laga dhigo mid gebi ahaanba ka caagan joogitaanka kooxda.
Dadka deegaanka Jabad-Godane ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgalka, iyagoo muddooyinkii u dambeeyay la daalaa dhacayay cabsi iyo cadaadis kaga imaanayay Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu xoreeyo deegaannada wali ay kaga harsan yihiin kooxda.
Guushan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadaysa kalsoonida shacabka iyo ciidamada, isla markaana wiiqeysa awoodda Al-Shabaab ee ku aaddan ku faafidda gobolka Shabeellaha Dhexe.



