Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka sameeyay gobolka Baay

0

BAYDHABA (SMN)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeeday howlgallo ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolkaas oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi.

Waxaa howlgalladan horkacayay Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey), waxaana marka hore ciidamada ay weerareen goob ay sheegeen in lagu aruurinayay carruur la rabay in la askareeyo, sida uu sheegay talisku.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay fariisin kale oo ay Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen shacabka iyo gaadiidka mara halkaasi.

Taliye Axmed Dhagey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladooda ay ku gaareen deegaanada kala ah Howlaha Guud , Barbaar Eesi, Warta Yarey iyo  Mooro Bus oo dhaca waddooyinka isku xira Gobalada Baay, Bokool iyo Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Ma shaacin taliyuhu khasaaraha ay howlgalladaas ku gaarsiiyeen Al-Shabaab marka laga soo tego inay burburiyeen xarumo ku yaalla deegaanada howlgallada laga sameeyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mis degan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgallo culus ka waday gobollada Baay iyo Bakool oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here