JOWHAR [SMN] – Wararka iyo xogaha aan ka helayno deegaano ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa tibaaxaya in ciidamo aad u badan oo ka socda deegaannada Galmudug, oo isugu jiray ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwo deegaanka ah, ay soo gaareen deegaano ka tirsan Hirshabelle.
Xoguhu waxay sheegayaan in ciidamadan ay ku wajahan yihiin deegaanka Ceelbaraf si ay u caawiyaan ciidanka halkaasi ku sugan, oo dagaalo adag kula jiray Al-Shabaab.
Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Dhore, oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle, ayaa waraysi gaar ah siiyay warbaahinta, isaga oo ka hadlay ciidanka badan ee ku wajahan Ceelbaraf.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo aad u xoog leh oo ay garab siindoonaan ciidanka halkaasi ku sugan, si loo xaqiijiyo in Al-Shabaab laga sifeynayo gobolka Shabelle Dhexe, gaar ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin.
Sidoo kale, waxaa la xusid mudan in dhawaan deegaanka Ceelbaraf ay ku dhexmartay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanka, waxaana dagaalku sababay khasaare kala duwan.
Ciidamadan cusub ee kasoo socda Galmudug ayaa loo rajeynayaa inay door weyn ka qaataan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab ee ka jira deegaankaas.