Askar katirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Amniga guddaha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdillaahi sheekh Ismaaciil( Fartaag )ayaa maanta tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye (School Polizio).

 

Wasiirka Amniga ayaa boogaadiyay tababarka ku aadan is dhexgalka Bulshada iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo xusay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo laamaha Amniga.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuummada Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Taliyaha Booliiska gobolka Benaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyin Gobolka Benaadir, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here