Ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin iyo Safiirka Dowlada Mareykanka u fadhiya Muqdisho ayaa maanta Tababar u soo xirey qeyb Ka mid ah Ciidanka Bar hubinta Guur guurta ama (Checkpiont-yada Guur Guura ) ee Booliiska Soomaaliyeed.

 

Xaflada tababarka loogu soo xiraayay askartaan waxaa Ka soo qeybgalay Taliyaha Hoggaanka howlaha Booliiska S/Guuto Maxamed Maxamud Garaar, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Saraakiil Kale.

Ciidamadan cusub ayaa ka qayb-qaadan doono sugidda amniga, waxayna xoojin doonaan ciidamadii kale ee horay uga howlgalayay gudaha caasimada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here