XARARDHEERE (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kana soo jeedo gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ugu dambeyn xal laga gaaray arrintooda.
Ciidamadan oo ka carooday askartii dhowaan lagu laayay Ceel Baraf ayaa kasoo baxay difaaca hore, balse dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu guuleystay in la dajiyo xaaladda, dibna loo celiyo ciidamada.
Hoggaamiyaha Macawiisleyda Galmudug, Cabdullahi Cabdi Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadaalladii la sameeyay lagu gaaray xal rasmi ah, isla markaana haatan ay degan tahay xaaladda.
Ugu dambeyn wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay askatii lagu dilay Ceel Baraf ee kasoo jeeday gobolka Hiiraan, isaga oo hoosta ka xariiqay in aysan qabiil ahayn oo ay ka baxeen qarankooda.