Ciidamo gadoodsan oo u gacan qaaday taliye ku xigeenka ciidanka dhulka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa gadood ka sameeyay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, kuwaas oo ka yimid furimaha hore ee dagaalka.

 

Ciidamadan oo ka tirsan qaybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa lasoo wariyay inay isku dhaceen qaar kamid ah saraakiisha taliska ciidanka Xoogga dalka, waxaana xaaladdu ay gaartay heer gacan ka hadal ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay u gacan qaadeen taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee Xoogga dalka, General Cabdullaahi Cirro, xilli uu ku sugnaa wasaaradda gaashaandhigga, waxayna ciidamadu la dhaceen feer iyo haraanti.

Mid kamid ah askarta gadoodsan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in taliyuhu uu ka hor istaagay inay soo galaan xerada, kadibna ay ka caroodeen falkaasi, isaga oo sheegay in laga keenay gobolladii joogeen, loona diiday xeradoodii.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in askartan ay intooda badan qoryaha iyagu leeyihiin, laakiin saraakiisha ay doonayaan in laga xareeyo, taasina ay kasoo horjeedaan.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan falkaasi iyo dhibaatada loo geystay taliye ku xigeenka ciidanka dhulka Gen. Cirro.

Inta badan ciidamada ayaa sameeya gadood, waxayna taasi keentaa isku dhaca iyaga iyo saraakiishooda, taas oo marar badan kusoo laa laaatay gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here