Ciidamo horleh oo la geeyay degmada Balcad + Ujeedka

0

BALCAD (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay la geeyay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay u xaqiijiyaan amniga magaaladaas oo loo dalxiis tago.

 

Sidoo kale ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka hortegaan suurtagalnimada weeraro ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay fariisimo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso Balcad iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here