Ciidamo horleh oo lagu kordhiyay kuwa xasilinta caasimada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamadan ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda amniga magaalada Muqdisho iyaga oo xoojinaya ciiidamo horay si gaar ah loogu xil-saaray xasilinta caasimadda.

 

Ciidankan cusub oo qeyb ka noqonaya kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro ayaa maanta lagu wareejiyey qalab iyo gaadiidkii ay ku howlgeli lahaayeen.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) iyo Taliyaha Ciidamada Birmadka Booliska Soomaaliya ayaa kula dardaarmay ciiidamadan in ay sugaan amniga, Al-Shabaabna ay la dagaalamaan, shacabkana la ilaaliyo, lalana laba jibaaro howlgallada sugidda amniga magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirto Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorsheyaal lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, si looga hortago falalka ammaan darri iyo weerarada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here