Ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo kasoo talaabay xadka Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada dhaca xadka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay kasoo tallaabeen ciidamo horleh oo ka socda dalka Itoobiya, kuwaas oo kasoo galay dhinaca xadka ee gobollada Hiiraan iyo Bakool.

 

Ciidamadan ayaa lasoo wariyay inay ka yimaadeen dhinaca kilinka 5-aad, waxayna isku fidiyeen qaybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Qaar kamid ah ciidamadan ayaa saldhigtay gobolka Bakool, halka kuwa kalena ay lugta ku galeen gobolka Gedo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kuwa gaashaman.

Sidoo kale waxa ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaanada ay gaareen, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo ay deegaansadaan.

Xaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay deegaanadooda tageen ciidamadadaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in dalka ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya ay qaybta ka ah ATMIS, waxaase ka horyimid maamulka Koonfur Galbeed oo ku andacooday inay gacan siiyaan dhanka ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here