Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo diyaarad lagu keenay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Iyada oo ay weli taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

 

Ciidamadan oo tiradooda rasmiga ah lagu sheegay illaa 80 askari ayaa shalay isku dhiibay ciidamada dowladda ee la geeyay aagga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda ayaa maanta ciidamadan diyaarad uga soo qaatay Raaskambooni, waxaana laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in dowladda ay ciidamadan siin doonto abaal-marino, sidoo kalena ay heli doonaan xuquuqaad ay kamid yihiin mushaaraad iyo dalacsiin.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli ay kacsan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, taas oo ka dhalatay dib u doorashada madaxweyne Axmed Madoobe oo ay si weyn uga biyo diiday dowladdu.

Waxaa haatan deegaannada Jubbaland ka socda dhaq-dhaqaaqyo milatari oo u dhexeeyo labada dhinac, iyada oo laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal toos ah.

Dowladda federaalka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamo ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here