Ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo lagu weeraray gobolka Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay weerar dhabgal ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababarab ee Danab, kuwaas oo ka yimid dhinaca gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka uu ku qabsaday aagga degmada Ceelbaraf.

 

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay waddada u galeen ciidamadaasi, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ma cadda waxa dhaliyay iska hor imaadkan, balse waxaa maalmahan socotay hub ka dhigis lagu sameynayay maleeshiyaadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac, balse lamag inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here