Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka degmada Luuq kadib dagaal ka dhacay

0

LUUQ [SMN] – Kadib dagaaal laba Maalin ka socday Degmadda Luuq ee gobalka Gedo Xaalka degmadda ayaa ah saakay Mid aad u dagan Waxaana Saakay degmadda lagu arkyaa Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gabi ahaanba lagu daadiyay waaxyaha ay ka koobantahay Degmaddaasi.

 

Inkastoo Wararka qaar ay sheegayaan in maleeshiyaadkii ku dagaalamay luuq ay haddda ku suganyihiin Daafaha magaaladda isla markaana laga cabsi qabo in isku fara saaraan banaanka kore ee degmadda lkn Xaalka gudaha degmadda luuq Waa uu daganyahay mana jiro ciidamo maleeshiyaad ah oo hadda ku sugan degmdaasi, Waxaana la sheegay in uu taaba galay Baaqyo kala duwan oo saacadihii danbe ka soo baxayay Maamulka Jubbland.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland General Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal oo Shir Jaraa’id ku qabtay Degmada Doolow oo si adag uga hadlyay Dagaalka ka dhacay luuq ayaa sheegay In luuq aysan mudneen in uu ku daato dhiig micno daro ah isagoona labadda dhinac ku amray in ay hubka dhigaan.

Wasiir dhuumaal ayaaa dhanka kale baaq nabadeed udiray Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo isagoona dalbaday in si shuruud la,an ah loo damiyo Colaada ka taagan luuq isla markaana liskugu yimaado shir deg deg ah oo maanta ka furmaya Degmadaasi.

Luuq labadii maalin ee la soo dhaafay Waxa ay Marti galisay Dagaal Sababay dhimasho iyo dhawaac waxaana dsgaalkaasi ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo isgu jirta Dhinacyadda dagaalantay iyo dad shacab ah Waxaana saakay dagan gobihii lagu dagaalamay inkastoo cabsida jirta ay tahay in markale ay is fara saaraan Maleehiyaadka oo la sheegay in ay hub uruursi ku jiraan isla markaana ay sugayaan gurmadyo kaga imaanaya qaybo ka.kid ah koonfur halbeed iyo gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here