BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka ambabaxeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, iyaga oo kusii jeeda xadka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay kala dhex-galaan maleeshiyaad beeleed dhowaan ku dagaalamay deegaano dhaca xadka labadaas gobol oo ka wada tirsan HirShabelle.
Sidoo kale waxa ay halkaasi ka bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga hortago weeraro mararka qaar ka dhaca halkaasi.
Gobollo badan oo kamid ah dalka ayaa waxaa xilligan ka taagan colaad beeleedyo, waxaana meelaha qaar ka dhacay dagaallo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac.