Ciidamo Soo Gabagabeeyay Howlgal Ballaaran oo 10 Maalmood Socday oo ka Dhacay Jubaland

0

MUQDISHO, Sept 8, 2025 – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay howlgal milatari oo ballaaran oo qaatay toban maalmood, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab ee degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda.

 

Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Nuur Mahad Xasan iyo Ku-simaha Taliyaha Booliska Gobolka Jubbada Hoose, G/sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb qaateen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Jubbaland.

Intii uu socday howlgalka, waxaa la burburiyay xarumaha Al-Shabaab, gaar ahaan tuulooyinka Sanguuni, Muuse Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni oo ku teedsan wabiga Jubba. Amniga ayaa si buuxda loo xaqiijiyay.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgallo ka fuliyay dhinaca kale ee wabiga, meelaha Jiibey, Malaaley, Janaale Jaay iyo Soo Mareey, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu dhaawacay qaar kale. Waxaa la fashiliyey miinooyin badan oo loogu talogalay in shacabka waxyeello loo geysto.

Waddooyin badan oo ay xireen dhirta kadib fatahaado ayaa dib loo furay, waxaana la sameeyay fariisimo ciidan oo cusub oo kaalin mug leh ka qaadan doona hawlgalada ammaanka. Ciidamada ayaa ku ruqaansaday deegaano cusub oo hore gacanta loogu haystay maleeshiyaadka.

Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka, ciidanka Jubbaland, iyo ciidanka gaarka ah ee Danab, iyadoo la helay taageero cirka ah oo ka timid saaxiibada caalamiga ah ee AFRICOM.

Duqeymo dhowr ah oo ay diyaaradaha AFRICOM sameeyeen ayaa lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here