GAALKACYO (SMN) – Wafdi balaaran uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo dib uheshiisinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Omar Guureye ayaa magaalada Xinlabi ee gobolka Mudug kula wareegay Ciidamo dadka deegaanka ah kuwaas oo u diyaarsan ka qeyb galka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. waxaana ciidamada ku wareejiyey maamulka iyo shacabka Xinlabi.
Munaasabada ciidanka lagu wareejiyey waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tiransan militariga Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale.
Dhamaan masuuliyiintii madasha joogtay ayaa ciidamada kula dar daarmay xoreynta deegaanada wali ku maqan gacanta Al-Shabaab, si looga xoreeyo halkaasi.
Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, Galmudug iyo dadka deeganaka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-