MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane dil u geystay Hooyo Soomaaliyeed.
Eedeysanaha ayaa waxaa soo qabtay ciidamada booliska ee saldhigga degmada Dayniile, kadib howlgal ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Qoraal kasoo baxay taliska guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
“Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga booliska Dayniile ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane xabad ku fakiyay maamo Soomaaliyeed xabadaasi sababtay dhimasho, waxaana la horgeyn doonaa caddaalada.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Muddooyinkii dambe ciidanka amniga ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Muqdisho, ayaga oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dambiyo ka geystay gudaha caasimadda.