Ciidanka Booliska Soomaaliya oo soo qabtay burcaddii ugu badneyd + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay howlgallo ka waday magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay burcaddii ugu badneyd oo dhibaato ku heysay shacabka.

 

Illaa 10 eedeysane oo loo haysto dil, dhaawac iyo dhac ayuu soo bandhigay taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaantood la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Hoos ka akhriso qoraalka Booliska.

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood, kuwaas oo geestay falal iskujira Dil, Dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda.

Waxaa ku socota baaris waxaana la marsiindoonaa Cadaaaladda.

Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanak Boliiska Soomaaliyeed 991 amma banadir@bolice.gov.so.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here