MUQDISHO – Ciidanka Kumaandooska Danab ee qeybta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud).
Horjoogahan ayaa u qaabilsanaa kooxdiisa samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Intii lagu guda jiray howlgalkaas ayaa sidoo kale la dilay ilaaladiisii.
Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Baaritaanno amni oo joogto ah ayaa ka socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku hareeraysan.
Dhanka kale, subaxnimadii hore ee maanta, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa kooxaha Al-Shabaab ku qaaday dagaal culus oo saacado qaatay, waxaana maleeshiyaadkii argagixisada ahaa lagu gaarsiiyey jab xooggan oo baaxad leh. Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee haatan ku sugan duleedka Maxaas ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga hortagaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyaga oo dhiiggooda u huraya difaaca diinta, dadka iyo dalka.





