MUQDISHO — Ciidanka Sida Gaarka Ah u Tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa 19-kii November fuliyey howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo diyaariyey, kaas oo ka dhacay deegaanka Buula Madiina ee degmada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab halkaas ku sugnaa, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey cadaadis iyo dhibaatooyin ku hayay shacabka deegaanka.
Saraakiisha DANAB ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay dhagarqabayaal caan ka ahaa Buula Madiina, oo ay ka mid yihiin:
- Kuusow (Zarqaawi) oo u qaabilsanaa abaabulka iyo howlgelinta kooxaha weerarrada fuliya.
- Cabduqaadir (Camey) oo ahaa hogaamiyaha maaliyadda iyo dhaqaalaha Khawaarijta ee deegaanka.
- Yacquub Yuusuf, hogaamiyaha xisbada ee deegaanka, oo lagu eedeeyey baad iyo gumaad joogto ah oo uu u geystay dadka deegaanka.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay laba xubnood oo kale oo la sheegay inay door muhiim ah ku lahaayeen ururinta baadda iyo ilaalinta horjoogayaasha.
- Cabdirashiid, oo u qaabilsanaa ururinta lacagaha shacabka laga dhacayey iyadoo magac zakawaad loo adeegsado.
- Saalim, oo ka tirsanaa ilaaladii hormuudka Al-Shabaab.
Labada dhagarqabe ee dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka deegaanka Daaru Salaam, balse wararka ayaa sheegay in aysan u helin gargaar caafimaad oo ku filan sababo la xiriira xaaladooda oo aad u liidatay.
Ciidanka DANAB ayaa sheegay inay sii laba-jibbaarayaan howlgallada ka dhanka ah haraadiga Khawaarijta, iyagoo ku adkeystay in ka go’an tahay sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida gobolka Shabeellaha Hoose.



