Balidhidin, Puntland – Ciidanka Difaaca Puntland ayaa weerar qorsheysan oo laba jiho ah ku qaaday talisyo muhiim ah oo kooxda Daacish ku lahayd deegaanka Lugta Tirciil ee Buuraleyda Calmiskaad, iyagoo si buuxda ula wareegay gacanta ku haynta xarumahaasi, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Hawlgalka oo qayb ka ah wejiga afaraad ee howlgallada “Hilaac”, ayaa sidoo kale lagu guuleystay in laga qabto kooxda Daacish mid ka mid ah kaydadkooda daawooyinka iyo agabka caafimaadka, kuwaas oo ay si qarsoodi ah ugu haysteen buuraha si ay ugu adeegaan dagaalyahanadooda.
“Ciidanku waxay sameeyeen weerar labo jiho ah oo si xeeladeysan loo qorsheeyay, waxaana ay gacanta ku dhigeen talisyo muhiim u ahaa kooxda Daacish,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Ciidanka Difaaca Puntland oo la hadlay Balidhidin Media.
Hawlgalka Hilaac ayaa haatan maraya wajigiisa afaraad, iyadoo ciidamada Puntland ay si isdaba joog ah u wadaan duullaan lagu sifeynayo kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysaneysa Togga Baallade iyo buuraha ku hareeraysan Calmiskaad.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada habeen iyo maalinba ay fuliyaan hawlgallo qorsheysan oo bartilmaameedkoodu yahay in gebi ahaanba meesha looga saaro xubnaha ka haray ee kooxdaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay hayaan xog dhameystiran oo ku saabsan goobaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahanada Daacish, islamarkaana qorshayaal adag loo dejiyay si aanay fursad ugu helin inay dib isu abaabulaan.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa tan iyo billowgii howlgalkan guulo muhiim ah ka gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyagoo horey u burburiyay xarumo badan oo ay kooxdu lahayd, islamarkaana khasaare xooggan gaarsiiyay.




