Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamaya G/Shabeellaha Dhexe

0

GUULANE, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa xaqiijiyey in weerarkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay ay ku laayeen Al-Shabaab ee bartilmaameedku ahaa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weli ay la dagaalamayaan Al-Shabaab kadib markii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.

Dhinaca kale, waxaa Al-Shabaab saakay ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan fariisin Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka deegaan lagu magacaabo Ceelbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinaca dhexmaray dagaal sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here